Video:-Somaliland”Dagaalka Puntland maanan arag mid ka xoog badan oo ka abaabulan kana diyaarsan”

Safiirka arimaha dibada ee maamulka Jeegaanta Sacad Cali Shire oo saxaafada la hadlayay,ayaa sheegay in uu jiro wada xaajood u dhaxeeya iyaga iyo Puntland.

Sacad Cali Shire waxuu sheegay in wada xaajoodkan ay soo jeediyeen markii hore beesha caalamka kadibna ay aqbaleen,hadana uu marayo meel wanaagsan..

”Wada xaajoodku meel fiican ayuu marayaa xiligan,waxaana qorshuhu yahay in Ciidamada lakala qaado,saraakisha Ciidankuan kulmaan oo ay kawadahadlaan Maxaabiista iyo xaalkooda”ayuu yiri Sacad Cali Shire..

Sidoo kale Sacad waxuu hadalkiisa ku daray oo yiri”Wada xaajoodkan waa wadada kaliya ee looga baaqsan karo dagaalka,Laascaanood dagaal uma baahna ee nabad bay ubaahan tahay,wali maanan arag dagaalkan oo kale oo sidaan u abaabulan una diyaarsan,isla markaana u xoog badan”.hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka