Madaxweyne Farmaajo oo bishan gudaheeda booqan doona Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 21-ka bishan Magaaladda Addis-ababa uga qeyb galaya shir aan caadi ahayn oo madaxda waddamada IGAD ay isugu imaanayaan.

Shirkan IGAD oo ka baxsan shirarkoodii caadiga ahaa ayaa waxaa madaxda ururku ay uga hadli doonaan xaaladda amni ee Koonfurta Suudaan oo ay ka soo korortay xaalad amni xumo, kadib markii ay markale is faham la’aan soo dhex gashay dowladda South Sudan iyo kooxaha mucaaradka ku ah.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa qatar xoog leh u arka xaaladda hadda ka taagan Koonfurta Suudaan oo haddii la xalin waayo keeni karta dagaalo cusub oo dalkaas ka dhaca, si taas looga hortago ayaa shirkan waxaa la rajeynayaa in ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah oo lagu heshiisiinayo mucaaradka iyo dowladda South Sudan.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Itoobiya,ayaa kusoo aadaya xili uu booqasho kusoo gaaray Muqdisho Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya Attoo Abiye,isla markaana labada hogaamiye ay kala saxiixdeen heshiis xasaasiyad xoog leh ak dhex dhaliyay shacabka Somaliyed.