Ma dhabaa Ergada shirka Belgium ka qaybgeli doonta in Xamar lagu kala iibsanayo?

Dad fara badan oo ay ugu horeeyaan Diblomaasiyiin shisheeye waxay iska waydiiyeen tirada xad dhaafka ah ee Waftiga Somaliya ka imaanaya ee ka qaybgali doona shirka Belgium 15-ka ilaa 17-ka bishan ka dhici doona halkaas.
 
Ergada ka imaanaysa Somaliya,ayaa gaaraysa in ka badan 145-xubnood,iyadoo 45 qura oo ka mid ah ergada ay yihiin Waftigii loo qondeeyay markii hore in ay shirka kasoo qaybgalaan ,balse codsi Dowlada Fadaralka ka yimd dartiis loo kordhiyay xubnahaas.
 
Ergada 145 ah ee la filayo in ay kasoo qaybgalaan shirka,ayaa guud ahaantood la gaarsiiyay casuumada.
 
Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa ku leh waftigan xad dhaafka ah ergo yar oo kooban.markii lasyku daro 5-ta Dowlad Goboleed ergada matalaysa,ayaa lagu qiyaasayaa in ana ka badnayn 25-xubnood.
 
Xogo soo baxaya oo sii xoogaysanayay maalmahan, ayaa tilmaamaya in ergadan faraha badan ee xad dhaafka ah ee ay wadato Dowlada Fadaraalka intooda badan ay yihiin Dad dhoof doona oo laga iibsaday Boosaska si ay ugu fududaato in ay Yurub galaan.
 
Waa talaabo yax-yax amakaag wadata,iaydoo qorshshan uu wajigabax iyo dharbaaxo kaga dhcday wajiga uu ku yahay nidaamka Dowliga ah ee dalka.