Madaxweyne Gaas oo maalinkii labaad ka qaybgalaya shirka Soamlida Ee Belgium

Brussels xarunta dalka Belgiumka waxaa maanta lagu soo gaba gabeyn doonaa shirkii arrimaha Soomaaliya.ee shalay sida rasmiga ah ufurmay.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,ayaa Shirkan ka qeyb galaya ,waxaana ku weheliya Madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,Bulshada rayidka,maalgashadaal caalami ah iyo wadamada daneeya arimaha Soomaliya

Shirka,ayaa shalay looga xaajooday arrimo fara badan oo la xiriira xaalada Dalka Soomaaliya.isagoo galay maanta qeybtiisii muhiimka ahayd oo uu furay Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,

Shirkan waxaa barbar socda shir looga hadlayo arimaha ay ka mid yihiin xaalada barakacayaasha,ganacsiga iyo doorka Haweenka ee nidaamka Dowliga ah Somaliya.

Shirka,ayaa hada usocda si habsami leh,waxaana la filayaa in maanta wakhti danbe lasoo gabagabeeyo lagana soo saaro Warmurtiyeed.

Jibril Qoobey.