Dowlada Shiinaha oo Somaliya ugu deeqday dhaqaale

Dowladda Shiinaha ayaa shaacisay inay lacag 1.5 million oo Dollar ugu deeqday Somalia, si wax loogu qabto dadka ay dhibaatooyinka ka soo gaareen Fatahaadda webiyadda Shabelle iyo Jubba ee ku habsaday qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia.

Danjiraha Shiinaha u jooga Somalia, Qian Jian ayaa sheegay inay dowladiisa go’aansatay inay  dowlada ku wareejiso lacagtaasi, si loogu taageero Dadka waxyeelladda kala kulmay daadadka Webiyadda.

Shiinaha ayuu sheegay iney ka go’an tahay inay Soomaalida is-garab taagaan xilliga adag oo ay ku jiraan, maadaama uu labada dal ka dhexeeyo xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah.

Xafiiska QM ugu qaabilsan Isku-xirka hawlaha samafalka  Somalia ee OCHA ayaa ku dhawaaqay inay boqolaal Soomaali ah ay dhibaato ka soo gaartay daadadkii dhowaan ku dhuftay Somalia qeybo ka mid ah.