Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo iscasilay

Madaxweynihii Dowlad Deegaanka Somalida itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar,ku xigeenkiisii Kahadar Dheere iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka ,ayaa diyaarad khaas ah ka qaaday Jigjiga.
 
Diyaaradaas,ayaa waxaa lahaa Qaramada Midoobey waxayna gaysay caasimada itoobiya ee Magaalada Adis-ababa.
 
Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar inta uusan ka duulin Jigjiga waxuu xilkii Madaxweynanimo ku wareejiyay Wasiirkiisii Maaliyada,kaasoo si Kmg ah usii hogaamin doona Deegaanka.iyadoo gudiga fulinta ee Xisbiga talada haya auu ansixiyay.
 
Madaxweyne Cabdi wali waa Gudoomiyaha Xisbiga talada Deegaanka haya,sidoo kale waa hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Deegaanka.
 
Ma cada tagistiisa Adis waxay la xiriirto iyo qorshaha ka danbeeya.
 
Dhanka kale waxaa wali ka socda Deegaanka rabshado iyo iska hor imaadyo dhexmaraya shacabta Somalida iyo shacabka Oromada,sidoo kale Xuduuda labada Deegaan waxaa ka socda dagaal xoog leh,kaasoo laga soo sheegayo in tiro dad ah ay ku naf waayeen.
 
Isku soo wada duuboo lama saadaalin karo halka ay saldhigan doonto siyaasada Deegaanka ee qasan,sidoo kale lama oran karo waxaa soo afjarmi doona iska hor imaadyada sii xoogaysanaya ee u dhaxeeya qawmiyadaha Somalida iyo Oromada.
 
 
 
Jibril Qoobey.