Baarlamaanka Fadaraalka oo fadhigisii 4aad furmi doono dhawaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah Ee uu furmi doono kalafadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka.

War ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya,ayaa lagu sheegay in kalafadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota,sidaasi daraateedna looga baahan yahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka dalka ku soo laabtaan ugu danbeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan.

“Sida aad la socoto furitaanka kalafadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka,sidaasi daraateed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018,diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalafadhiga 4-aad ee  Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.