Madaxweyne Xaaf oo dib ugu soo laabtay Dhuusamareeb.

Magaalada Dhuusa-Mareeb oo xarun u ah Maamulka Galmudug, waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf).

Xaaf, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay xubno katirsan Galmudug, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kale ee bulshada, Waxaana intaasi kadib loo galbiyay Madaxtooyada Galmudug ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Shir Jaraa’id oo uu Saxaafada u qabtay, wuxuu kaga hadlay socdaalkiisii Kenya, Kulanka Madaxda maamul Goboleedyada ee Nairobi iyo Shir ka dhacaya bishan Magaalada Garoowe.

Xaaf, waxa uu sheegay in laba maalin oo kaliya uu ku sugnaa Nairobi, socdaalkiisana uu la xiriiray sidii uu beesha caalamka ugala soo hadli lahaa wax ka qabashada culeysyada saaran Maamulkiisa Galmudug, socdaalkiisa ayuu tilmaamay inuu ahaa mid isaga uun u gaar ah.

Waxa uu qiray inuu dhacay kulan is arag ah oo dhexmaray Madaxweynayaasha Jubaland, Puntland iyo Koofur Glabeed, balse aaney eheyn mid weyn oo Siyaasada dalka lagu lafa gurayay, Warar kale waxey xaqiijinayaan inuu dhacay kulanka Madaxda Maamul Goboleedyada ah.

Madaxweynaha Galmudug, ayaa carabka ku goday in 10ka bishan uu Garoowe ka dhacayo shir ay yeelanayaan Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada, kaasoo looga hadli doono go’aakoodii Kismaayo ee lagu hakiyay xiriirkii dowladda dhexe, Dadaaladii Aqalka sare iyo Mowqifka Madaxweyne Waare.

Xaaf, ayaa ugu dnabeyn fariin dardaaran iyo duco isugu jirta u diray Senatorada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somaliya, wuxuuna ogeysiiyay iney u turaan dadka ay Aqalka Sare ku matalaan oo ah Maamul Goboleedyada dalka ka jira.