FAALO:-Madaxweyne Farmaajo iyo Fanaan Faladagan maxay iskaga eg yihiin”

Faladagan waa wiil dhalinyaro ah oo dhawaan kusoo biiray fanka Soomaalida,

Faladagan toodbaadkii waxuu soo saaraa ugu yaraan 5-10 hees, wuxuu tagaa goob cagaaran wuxuu qaataa Mopile Camera-diisa isaga ayaa iska soo duuba,sagaa Music-gada saarta, isagaana ku codeeya kadibna wuxuu soo geliyaa Face-book-ga, tiyaartar iyo dad daawada uma baahna.

Farmaayo waxaa Madaxweyne hab dhagankiisu ku cusub yahay siyaasada.

Farmaajo wuxuu kusoo kordhiyay siyaasada Soomaaliya in uu yahay shakhsi isku qanacsan oo kaligii muraayad isku eega,afkana buura.

 

Farmaajo waraaqihiisuna malaha wax Protocol dawli ah wuxuu qoraa waraaq wuxuuna soo dhigaa Face Book-ga waana warqad ku socota dhammaan Maamulada,isagoo cinwaan uga dhiga,waad casuman tihiin ayuu kusoo qorayaa warqadiisa Face-Book-gana kala baxa, sidoo kale wasiir kiisa Maaliyadu wuxuu soo dhigaa xisaab celintiisa Face Book-ga.

 

Hada waxay mareysaa in Gudoomiya Gobolka Nugaal ee Puntland uu FaceBook-ga u dhigo warqad Reysal wasaaraha isagoo leh noo soo dir lacagtii aad u ballan qaaday garoonka kubada cag ee Garowe.

Soomaaliyeen maxay kula duwan yihiim Fanaan Faladagan iyo M/weyne Farmaajo.

Jibril Qoobey.