BREAKING NEWS:- Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka oo geeriyooday.

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George HW Bush , ayaa lagusoo waramayaa inuu geeriyooday jimcihii xalay, sida ay xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskiisa.

George HW Bush, oo ku jiray da’da 94 jir, ayaa geeridiisa waxaa bartiisa twitterka ku shaaciyay wiilkiisa George W Bush, oo isagana ahaa madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka.

Xaaskiisii Barbara Bush, ayaa sagaal bilood kahor laga joogaa geeriyadeeda.

George H.W. Bush, madaxweynihii 41-aad ee dalka Maraykanka ayaa dalkaas soo xukumayay sanadihii 1989 iyo 1993, waxaana lagu xasuusta ololihii uu Saddam Hussein kaga saaray dalka Kuwait.

Dowladda Maraykanka ayaa qaban qaabinaysa aas qaran oo loo sameyndoono Bush.