Wasiirka warfaafinta Puntland Qarjab.,” Saxaafada Puntland waxay tabinayaan amni xumo aan jirin.

Bosaso Idilnews:- Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland iyo isgaarsiinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa ku eedeeyay qeybo kamid ah warbaahinada Puntland inay si gaar ah u buunbuuniyaan dhacdooyinka lidiga ku ah ammaanka Puntland iyo ficilada kooxaha argigixisada.

Wasiirka warfaafinta oo ka qeyb galayay barnaamij doodeed ku saabsanaa amniga Bosaso, ayaa sheegay inay saxaafadu si ka baxsan qaanuunka saxaaafada u adeegsanayaan tabinta dhacdooyinka amniga la xiriira, iyagoo dadweynaha ku abuuraya argagax iyo cabsi galin aan sal iyo raad lahayn.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay saxaafadu iska indho tirayaan ahmiyada nabad gelyada Puntland ka jirta, taasoo looga baahnaa inay bulshada ku baraarujiyaan wanaageeda, laakiin aan laga filayn inay buun buuniyaan hal qof oo argigixisadu dishay.

Qarjab, ayaa sheegay haddii saxaafadu ay buunbuuniso amni darro aan jirin inay laftoodu saameyndoonto ayna qeyb ka noqonayaan dadka masuulka ah amni xumada.

Idilnews