Cali Ciise khatar buu ku yahay Dowladanimada Puntland.WQ.Jibril Qoobey

Cali Ciise Cabdi Siyaasi loosoo igmadey ceebaytnta nidaamka Burburinta Dowladdnimo ee Puntland.

Cali Ciise Ma buuxin karo mid kamid ah Sharuudaha Musharaxa Madaxwaynaha Puntland ee Dastuurka sababto ah Cali waligiis Puntland ma joogin 2-sano oo xiriir ah,inkastoo ay muuqato in codsigii ka yimid odoyaasha beeshiisa qaar ka mid ah la tixgaliyay.

Cali Ciise Cabdi waa Maskaxdi ka danbaysey in ay Isfahmaan Cali Khaliif iyo Maamulka Somaliland,waana Aasaasihi Maamulka Khaatumo oo loo aasaasey in la gula shaqeeyo Somaliland si ay gacanta si buuxda ugu dhigto deegaanada SSC.

Cali Ciise waxaa Dhaqaalaha Ollalihiisa Musharaxnino taageeraya Shirkada Dabshiil iyo Xukuumada Nabad iyo Nolal kuwaas oo hadafkoodu yahay sidii Puntland iyo ndaamka Fadaraalka loo burburin lahaa.

Cali Ciise Cabdi waxaa uu kun jeer ka xun yahay qofka gacan ku dhiiglaha waxa uuna si siyaasadaysan mar walba uga shaqeeyaa sidii dadka Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ay uga soo horjeesan lahaayeen Ama ay uga go’i lahaayeen Puntland-ta kale oo ay wax ka dhisteen.

Hadaba maanta ma aqbali karnaa in Nin hadafkiisa iyo taariikhdiisu sidaa tahay uu hawaysto isku sharixida kursiga ugu sareeya Puntland,isagoon xataa bixin raali galin ama ka cudurdaaran danbiyadii uu ka galay shacabka Puntland.

Xildhibaanada baarlamanaka Puntland oo xiligan masiirka Puntland gacanta ugu jiro waajib,ayaa ka saaran in ay ilaaliyaan hadafka iyo jiritaanka Dalka iyo Dadka.


Jibril Qoobey.