Video:-Madaxweyne Gaas oo laga taageeray Seattle Washington

Jaaliyada Puntland ee Seattle Washington ,ayaa qabtay xaflad si weyn loosoo agaasimay oo ay ku taageerayaan musharaxnimada Madaxweyne Gaas ee markale iyo madaxtooyada.


Xaflada,ayaa waxaa kasoo qaybgalay guud ahaan bulshada ku nool Gobolkaas.


Nuuradiin Cali oo ka mid ahaa soo abaabulayaashii xaflada oo goobta ka hadlay,ayaa sheegay in dib udoorashada Madaxweyne Gaas ay Puntland u tahay fursad kale oo ay ku samayso horumar.


Madaxweyne Gaas,oo khadka Taleefoonka kala hadlay jaaliyada,ayaa umahadceliyay xubnihii soo abaabulay xaflada iyo guud ahaan Jaaliyada.


Sidoo kale Madaxweyne Gaas,ayaa markii ugu horaysay bogaadiyay doorashadii Gudoonka Baarlamaanka iyo hanaankii ay u qabsoontay doorashadaas,waxuuna ku celiyay markale in ay dhcii dooonto doorasho Madaxtooyo oo ada u qurux badan,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka