Video:-Beesha karinle Hawiye oo martiqaad sare usamaysay Islaan Bashiir iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray Muqdisho

Marti qaad aad uqurux badan,ayay beesha karinle Hawiye oo uu hogaaminayo Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde Degmada dayniile ee Gobolka Banaadir ugu samaysay wafti balaaran oo uu hogaaminayo Islaan Bashiir islaan Cabdille Islaan Faarax oo kasoo kicitimay Puntland.

Waftiga islaanku hogaaminayo,ayaa waxaa qayb ka ahaa Ganacsato,aqoonyahano iyo gudiga dhismaha Dekeda Garacad.

Ugaas Faracade,ayaa Islaan Bashiir gudoonsiiyay Faras aad uqurux badan oo hadyad uu uga dhigay islaanka iyo waftiga la socda.

Goobta Xafladu ka dhacady waxaa ka hadlay Nabadoono uu hogaaminayo Nabadoon Xasan Xaad iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dowlada fadaraalka ah oo ay ka mid ahaayeen,

1.Jenaraal Gaafoow

.2.Jenaraal Bariise

Saraakiil kale oo fara badan,Xildhibaanno,Sanataro iyo haldoor kale oo u dhashay beesha Karinle Hawiye.

Islaan Bashiir iyo waftigiisa oo ka mahadceliyay martiqaadkan aadka usareeya,ayaa goobta ku gudoon siiyay Ugaas Faracade ,dhul ku yaala Magaalada Garacad iyo Saami Dekeda Garacad ah.

Islaan Bashiir waxuu ku casumay Ugaas Faracade Puntland ,gaar ahaan Gobolka Mudug.

isku soo wada duuboo martiqaadkaas oo u dhacay si qurux badan waxuu kusoo gabagaboobay dardaaran Isimadu ku balameen in ay doorkooda ka qaataan dib u heshiisiinta Umada Somaliyed.

Sidoo kale Gudiga dhismaha Dekeda Garacad waxay goobta ka cadeeyeen in Dekeda ay tahay mid Somaliyed qof walba oo danaynaya in uu Saami ku yeeshana ay soo dhawaynayaan kuna marti qaadayaan oo ay ufuran tahay,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka