Video:-Wararkii udanbeeyay magacaabista Golaha Wasiirada Puntland

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni,ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo ku dhawaaqo golaha cusub ee Wasiirada Puntland.

Kulamo aan loo kala kicin ayaa maalmihii ugu dambeeyay,ayaa waxaa uu ka soconayaa qasriga madaxtooyada ee Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa waxaa uu la kulmay odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Deegaanada Puntland.

Qaban qaabadii ugu danbaysay ee lagu magacaabayo Golaha Wasiirada,ayaa laga dareemayaa Qasriga looga arimiyo Puntland,iyadoo Madaxweyne Dani hakad galiyay qaabilaadii Dadweynaha caadiga ah.

Xukuumad tiro ahaan yar, islamarkaana tayadeedu sarrayso oo Dumarku ay ku leeyihiin Qoondo sare,ayuu horay u sheegay Madaxweyne Deni.

Dad badan,ayaa wal wal kamuujinaya hadii ay Wasiirada laga sugayo Madaxweyne Deni uu kusoo daro kooxda Aaran-jaan oo ah koox door muhiim ah kasoo qaatay olalihii doorashada.

Golihii Wasiirada ee xukuumadii Madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas,ayaa laga yaabaa in ay iyaguna xubno ka mid ah in ay kasoo dhex muuqdaan Golaha cusub,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka