Qaar Kamid Ah Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland oo La Dhaariyey (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Qaar Kamid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe.

Wasiirada Cusub ee saaka la dhaariyey ayaa waxaa ay kala ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan(Majiino), Wasiir ku-xigeenka Wasaardda Cadaaladda Dr. Maxamed Cali Faarax, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Axmed Cabdirxmaan Xirsi.

Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna maamulaha xafiiska Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey dhaarinta sadexda Wasiir ee maanta ka qabsoontay Xafiiska Madaxweynaha Puntland..

“Waxaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe lagu dhaariyey sadex wasiir oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiir ku-xigeenka Wasaardda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dr. Maxamed Cali Faarax, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada Iyo Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cabdirxmaan Xirsi” Ayuu yiri Ku-simaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Cabdicasiis Maxamuud Maxamed

“Waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan maxkamada saree e Puntland, Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, Madaxweynaha Puntland waxa uu kula dardaarmay Wasiirada cub in ay u shaqeeyaan dalkooda si karti leh, aqoon leh, cadaalad leh, ayna si siman ugu shaqeeyaan shacabka Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba, Madaxweynaha ayaa Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo xilka baaxadda leh ee loo igmaday”. Ayuu yiri Ku-simaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Cabdicasiis Maxamuud Maxamed.

Daawo.

Sawirro.

IDIL NEWS