Sarkaal kamid ahaa Ciidamada Dowladda oo lagu dilay Afgooye.

AFGOOYE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegaya in lagu dilay degmadaas Sarkaal kamid ahaa Ciidamada Dowladda.

Sarkaalkan oo katirsanaa Ciidamada Asluubta Dowladda Federaalka, ayaa la sheegay in dilkiisu ka dhacay mid kamid ah Xaafadaha Afgooye, Iyadoona kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Dadka Degaanka ayaa Warbaahinta Maxaliga ah u sheegay in Sarkaalkan la dilay loo yaqaanay (Waan kaa hayaa), Iyadoona dilkiisa kaddib ay goobta gaareen Ciidamada Dowladda oo illaa hada baaritaano ka wada Degmada.

Degmada Afgooye ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka Gobolkaaasi Shabeellaha hoose ay inta badan dilalka ka dhacaan, waxaana mas’uuliyiinta Maamulka degmada ay sheegaan inay wa xka qaban doonaan balse aysan ku guuleysan.

IDIL NEWS