Somaliland oo ka hadashay Miisaaniyadda Gobalada SSC ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Deni (Daawo)

HARGEYSO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa ka hadlay Go,aankii Madaxweynaha Dowladda Puntland uu kaga hor dhawaaqay Golaha Wakiilada Puntland Sabtidii, kaas oo ahaa inay Xukuumaddiisu Miisaaniyad gaar ah u sameynayso xureynta Gobolada Sool iyo Sanaag oo degaano ka mid ah ay Gacanta ku heyso Somaliland

Wasiir Saleebaan Koore ayaa sheegay inay maqleen hadalkaas, isla markaana Mas’uuliyiinta iyo Shacabka Somaliland ay diyaar u yihiin inay difaacdaan degaanadeedo.

Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay marwalba sida ay doonto ka yeelaneyso degaanada Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay maamulaan, Isagoona tibaaxay in Ummadu ay u baahan tahay nabad iyo wada noolaasho laakin aan xabad la isugu hanjabi karin.

Daawo.

IDIL NEWS