Xasan Sheekh oo si kulul u dhaliilay Madaxda DF Soomaaliya (Daawo)

SOMALIA, Mogadishu: In photograph taken and released by the African Union-United Nations Information Support Team 19 April 2013, Somali President Hassan Sheik Mohamud is seen in his presidential office inside Villa Somalia, the complex which houses the Somali government in the country's capital Mogadishu. Listed in this year's Time Magazine list of the 100 most influential people, Mohamud is president of Somalia's first democratically elected government after two decades of civil war unrest and conflict in the Horn of Africa nation. AU-UN IST PHOTO / STUART PRICE.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhaliilay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in xilligaan ay aad u la dagaalamaan xurridda hadalka oo uu sheegay in dad badan laga hor-istaagay.

Isaga oo Wareysi siinayay Warbaahinta Kalfadhi ayuu sheegay in Siyaasiyiinta iyo Warbaahinta ay dowladdu caburisay oo aysan hadli karin,isaga oo xusay in aan waqtigaan dowlada sidaasi looga baahneyn.,

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay waajib ka saaran tahay helitaanka xaquuqda Dastuuriga ah ee muwaadinka xaqa uu u leeyahay.

“Runtii xilligaan xurriyadda hadalka waxa ay mareysaa meeshii ugu xumeyd,balse ay la wadaageen madaxda Dowladda si loo yareeyo caburiska lagu haayo Siyaasiyiinta iyo Warbaahinta Madaxda banaan ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiligii uu talada dalka hayay waxaa lagu eedeynayay in uu caburin ku haayay siyaasiyiinta iyo Wariyeyaasha Soomaaliyeed,waxaana la xiray dhowr mar wariyeyaal iyo Idaacaddo ku yaalla Magalada Muqdisho.

Daawo.

Madaxweynihii Hore ee JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

IDIL NEWS