Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la dedejiyo Baarista Kiista Caa’isho Ilyaas (Akhriso)

GAROOWE (IDIL NEWS)-War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan maalgelinta Dad weynaha ee UNFPA, ayaa lagu cambaareeyay tacaddiyadii loo geysta Caa’isha Ilyaas Aaden, oo ahayd 12 Jir , dhowaan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo.

Hay’adda ayaa sheegtay in ay si weyn ugu damqadeen Gabadhaasi yar oo la kufsaday, si naxariis darro ahna loo dilay, ka dib markii laga afduubtay Gurigooda oo ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo.

Hay’adda Caalamiga ah ee UNFPA, ayaa iyada oo gudaneysa mas’uuliyadda ka saaran xakamaynta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha, waxay cambaareyn xooggan Dusha uga tuurtay falka waxashnimada ah ee lagula kacay Caa’isha yar.

Falalka ku salaysan Jinsiga ee lagula kaca Haweenka ayay ku tilmaantay in uu yahay mid xad-gudub daran ku ah xuquuqda Haweenka iyo Gabdhaha, taas oo ay tusaale xun u tahay dilka iyo kufsiga lagula kacay Caa’isha yar, ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay UNFPA.

“UNFPA waxay Garab taagan tahay Qoyska Caa’isha, waxayna si buuxda u taageeraysaaaa Bulshooyinka iyo Dadka u dhaqdhaqaaqa la dagaallanka shaqaaqooyinka ku salaysan jinsiga iyo xuquuqda Haweenka iyo midda aadanaha ee Soomaaliya” ayaa sidoo kale lagu yiro Qoraalka.

Hay’adda UNFPA, ayaa ugu dambayn ku baaqday in baaritaan deg-deg ah lagu sameeyo dilka Caa’isha iyo in Puntland laga hirgeliyo xeerka dembiyada galmada.

Waxanay ku baaqday in Maanta iyo mar kastaba loo istaagno dhowrista xuquuqda Aadanaha, amniga iyo ilaalinta sharafta Haweenka meel kasta oo ay joogaan.

IDIL NEWS