Madaxweyne Xaaf oo si kulul u eedeeyay DF, heegana gali yay Ciidamada Galmudug (Akhriso)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Iyadoo Ciidamada NISA iyo Ciidamada Kumaandooska ee DANAB, ay xalay la wareegeen Madaxtooyadda KMG aheyd ee Maamulka Gamudug ee Magaalada Cadaado, ayaa waxaa arintaas waxaa si kulul u cambaareeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyne Xaaf, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Ciidamada NISA iyo kuwa Danab ee qeybta 21-aad ay weerar ku qaadaan Xaruntii hore ee Madaxtooyada Cadaado.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanan lagu soo wargelin sababta weerarkaas iyo inay la wareegaan Madaxtooyada, waxaana uu ku eedeeyay dowladda Federaalka in iyadoo ku fashilantay amniga Muqdisho inay u gudubtay in maamul goboleedyada ay qalqal geliso.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa amar ku bixiyay in Ciidamada Daraawiishta Galmudug ay heegan buuxa galana, ayna ka feejignaadaan cid kasta oo madax banaanidooda ku xadgudbeyso.

Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug.

IDIL NEWS