Qoyska 4 sano jir lagu Kufsaday Muqdisho oo baaq u diray DF Soomaaliya (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Salaado Maxamed Xasan oo ah Hooyada Gabar 4 sanno jir ah oo Maalinimadii Arbacada lagu kufsaday Magaalada Muqdisho, ayaa walaac ka muujisay Xaalada ay ku sugan tahay Gabadheeda.

Salaado oo la hadlaysay Warbaahinta ayaa sheegtay in gabadheeda uu kufsaday nin da’diisa ay tahay 35 sanno jir, waxaana ay sheegtay in ninkani gabadha uu ka watay Guriga ay degan yihiin hortiisa.

Gabadha yar ee la kufsaday ayaa lagu magacaabaa Iqra Xasan Maxamuud, Ciidamada ayaana xiray ninka kufsaday Gabadhan, sida ay warbaahinta u sheegtay Salaado Maxamed oo ah Hooyada Iqra.

Kufsiga ayaa ka dhacay Xaafada Juungal ee Magaalada Muqdisho, waxaana haatan la dabiibayaa Iqra oo da’deedu tahay 4 sanno jir.

Hooyo Salaado Maxamed Xasan, ayaa ugu baaqday Dowladda Federaal inay Cadaalada la marsiiyo Ninka, oo ay sheegtay inay jiraan Dad haatan doonaya inay xabsiga ka sii daayaan.

Daawo.

IDIL NEWS