Wasiirka Wasaaradda Waxbrashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland oo la Dhaariyey (Sawirro)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Wabarshada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe.

Dhaarinta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa kula dar-daarmay Wasiirka in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo uu ugu adeegayo shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, Isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in uu ka feejignaado waxkasta oo hoos u dhac u keenaya shaqadiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey wasiirka cusub in uu ku asturo shaqadiisa, uuna ka yeelo mid si daacada, sinaan iyo cadaalad ah uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda Wabarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa noqonaya Wasiirkii ugu danbeeyey ee la dhaariyo, taasi oo macnaheedu tahay in dhammaan ay mareen Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland dhaarta dasduuriga ah.

Sawirro.

IDIL NEWS