Goormee la aasi doonaa Wasiirkii Dastuurka XF Soomaaliya ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in meydka Allaha u naxariistee Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh JIbriil la keeni doono maalinta berri ah islamarkaana isla beri la aasi doono.

Qabanqaabada Aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii Wasaarradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo shalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta ayaa ka socoto magaalada Muqdisho.

Aaska Allaha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan madaxda qaranka iyadoo uu baajiyay Ra’iisul Wasaare Kheyre safar uu ku tegi lahaa magaalada Kismaayo.

Guddiga loo xil saaray aaska meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh ayaa xalay yeeshay kulan waxaana hoggaaminaya Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed waxaana ka mid ah Wasiiradda, Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.

IDIL NEWS