Muqdisho: Qarax gaari oo ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qarax lagu xiray gaari nooca Raaxada ah ayaa maanta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, Iyadoona ay wararku
sheegayaan in qaraxa lagu xiray gaari uu lahaa Taliyaha qeybta Baarista CID Cumar Bile.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Banaadir Palaza oo u dhaxeysa Isgoyska Shaqaalaha iyo Taree Biyaano ee Wadada Maka Al-Mukarama.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo gebi ahaanba wadada xiray.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah wadada ugu badan ee qaraxyada ka dhacaan, waxaana todobaadyo ka hor ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotel Maka Al-Mukarama.

IDIL NEWS