Bari: Mashaariic Hormarineed oo laga hir-geliyay Degaanka Buruc (Daawo)

BURUC (IDIL NEWS)-Degaanka Buruc oo hoos-taga Degmada Qandala ee Gobalka Bari, ayaa laga hir-geliyay Mashaariic hor-marineed, kuwaas oo lagu sameeyay isku tashi ay sameeyeen Dadka Degaanku.

Mashaariicdan oo ay fuliyeen Golaha Waxqabadka Degaanka Buruc, ayaa ka koobnaa Leyrarka Cadceeda ku shaqeeya oo 30 kamid ah laga taagay Degaanka iyo Balaarin lagu sameeyay Dugsiga Waxbarashada Degaanka Buruc.

Guddoomiyaha Degaanka Buruc ee Gobalka Bari Daad Ciise Maxamuud, oo ka hadlay Mashaariicdan ayaa uga mahad-celiyay Golaha Waxqabad Buruc fulinta Mashaariicdan, isagoona sheegay in isku tashigu yahay Waxa kaliya ee Bulsho ku hormarto.

Degaanka Buruc oo hoos-tagga Degmada Qandala ee Gobalka Bari, ayaa 65-KM dhanka Bari uga beegan Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, waana degaan xeebeed dhaca Badda cas.

Daawo.

IDIL NEWS