Muqdisho: Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo xariga ka jaray Safaaradda Jabuuti (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ee Maxamed Cabdulalahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta waxaa ay siwadajir ah xariga uga jareen Safaarada Dowladda Jabuuti ay ka dhisatay Magalada Muqdisho taas oo laba sana ka hor la dhigax-dhigay.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Safaarada oo ku taalla degmada Cabdul Casiis ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha labada dal, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Intii ay munaasabada socotay ayaa waxaa Goobta Heeso Wadani ah kusoo bandhigay Fanaaniinta ka mid ahaa wafdiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal iyo Cawaale Aadan Daahiye.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumart Geelle ayaa lagu wadaa Goordhow in uu khudbad u jeediyo Xildhibaanada labada Aqal oo kulan deg deg ah ku leh Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye,waxaa sidoo kale uu u duuli doonaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti oo ka mid ah howlgalka AMISOM.

Daawo.

IDIL NEWS