Maxaad ka taqaan Shaqadda Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Baarlamaanka DPL ? (Warbixin)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Baarlamanka Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa ka kooban Toban guddi oo kala qaabilsan shaqooyinka kala duwan ee isugu jirta korjoogtaynta, la xisaabtanka iyo metelaadda ee Baarlamanka.

Hadaba waxaan idiin soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan hawlaha shaqo ee baarlamanku u xilsaaray guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka ee golaha wakiillada iyo xilliyada ay shaqadooda dhacdo.

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee golaha wakiillada Puntland ayaa ka kooban Toddobo xubnood, waxaa madax u ah Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo laga soo doorto Gobolka Mudug.

Guddiga dhaqalaha iyo xisaabaadka ayaa u xilsaaran:

  • La socodka siyaasadda Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee dowladda.
  • Hubinta ku dhaqanka miisaaniyadda iyo beekhaaminta kharashyada dowladda.
  • Ka warbixinta xaaladda dhaqaale ee Puntland.
  • Dabogalka iyo la xisaabtanka Ha’yadaha dhaqaalaha qaabilsan ee dalka.
  • U soo gudbinta Golaha wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira Arrimaha dhaqaalaha iyo xisaabaadka dowladda.
  • ka qeyb qaadashada Qorshaha miisaaniyadda ee golaha wakiillada.

Guddigani wuxuu si adag u shaqeeyaa inta ay furan yihiin labada kalfadhi ah ee goluhu yeesho sanadkii, kuwaas oo midkiiba socdo 45 cisho waxayna furmaan bilaha Juun iyo Oktobar ee sanad walba. Gudoomiyaha guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka ayaa isagu xubin ka ah guddiga joogtada ah ee golaha oo shaqeeya inta wakiilladu fasaxa yihiin.

Hay’adaha dakhliga oo ay hormuud u tahay wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha lacagta sida bangiyada ayay guddiyadani si rasmi ah u korjoogteeyaan ulana xisaabtamaan.

Toddobaadkan ayaa golaha oo fasax ah bil ah ku jiray dib u furmi doonaa waxaana laga shaqaynayaa miisaaniyadda dowladda ee sanadkan. Golaha ayaa bishii janaayo ansixiyay miisaaniyad kooban oo deg deg ah isla markaasna ku dhisnayd saddex bilood ah si hawlaha xukuumaddu u sii socdaan.

IDIL NEWS