Wasiir Beyle oo weerar afka ah ku qaaday Ciidamada ka gadoodsan Mushaar la,aanta (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaalle Beyle, ayaa weerar afka ah ku qaaday Ciidamada gadoodsan ee saaka soo baneeyay Furimihii dagaalka ee Degaano kamid ah Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inay Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada siiyeen Mushaarkoodii, balse Ciidamada ka cabanaya Mushaar la,aanta ay yihiin kuwo Dhowr jeer qaadan jiray Mushaar, laakiin laga hor istaagay.

“Shaqaalaha dowladda iyo ciidamada Mushaar ayay wada qaataan, qof seddex mushaar qaadan jiray marka mid lagu soo koobo xanuunka uu dareemayo weyla garaneysaan, xaaraan dambe oo dad qaadanayaan cidey doontaba ha noqotee waa soo dhamaatay mana dhici doonto” Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaalle Beyle

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ruux kastaa loo baahan inuu marayo hanaan lagu xaqiijinayo inuu kamid yahay shaqaalaha dowladda.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaalle Beyle, ayaa imaanaya xilli maanta ay Ciidamo Gadoodsan kasoo baxeen Furimaha dagaalka ee Degaano katirsan ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Daawo.

IDIL NEWS