Sanaag: Ciidamada Puntland oo gaaray duleedka Degmada Yubbe

CEELCAD (IDIL NEWS)-Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa gaaray Degaanka Ceelcad ee Gobalka Sanaag, kaas oo duleedka bari ka xiga Degmada Yubbe oo ay dhowaan qabsadeen Ciidamo ku sumadeysan Maamulka Somaliland.

Ciidamadan oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka ayaa xalay ka baxay Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, Iyagoona la filayo in Saacadaha nagu soo aadan ay gaaraan Degmada Yubbe.

Dadka Degaanka ayaa soo sheegaya inay jiraan Dhaq-dhaqaaqyo ay bilaabeen Ciidamada Somaliland ee dhowaan qabsaday Yubbe, waxaana jirta cabsi soo food-saartay Shacabka oo ku aadan in lagu dul dagaalamo.

Ciidamada Somaliland oo kasoo baxay Magaalada Ceergaabo ayaa dhowaan qabsaday Degmada Yubbe, iyagoo sheegay inay difaac uga xiranayaan Jabhadda kasoo hor jeeda Xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiye Col. Caare oo saldhig ku leh Duleedka Degmada Qardho ee Puntland.

Wixii Kasoo kordha kala Soco Idil News.

IDIL NEWS