Talyihii Qaybta Booliska Bari oo la magacaabay

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni,ayaa magacaabay Taliyaha qaybta iyo ku xigeenkiisa.

G/sare Xuseen Cali Maxamed ayaa loo magacabay Taliyaha qaybta Boliska Gobolka Barri halka, G/dhexe Cabdi rishiid Barre Maxamed loo maga caabay Taliye ku xigeenka qaybta Boliska Gobolka Barri.

Taliyaha qaybta Boliska Gobolka Barri G/sare Xuseen Cali Maxamed ayaa 2006 ilaa 2007 waxa uu taliye ka ahaa Ciidamada Darawiishta horin ka hawal galaysay Gobolka sool.

2007 ilaa 2014 waxa uu soo noqday Taliyahii Macdanta gaar ahaan Boosaaso

G/sare Xuseen Cali Maxamed 2015 ilaa 2019 waxa uu ahaa Taliyaha Ciidamada Bangiga Boosaaso ugu dambayna Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni u magacaabay Taliyaha qaybta Boliska Gobolka Barri.

T

Xigasho:-Axmed Jookar.