Muqdisho: Is-bedel lagu sameeyay Saraakiisha Booliska

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Is-bedel ayaa lagu sameeyay Hay’adaha ammaanka Gobalka Banaadir, Iyadoona xilalkii laga qaaday Taliyayaal, Sidoo kalena la Magacaabay kuwo cusub, halka kuwo Kalena laga wareejiyaay Saldhigyadii ay ka shaqeynayeen.

Taliyayaal cusub ee la soo magacaabay ayaa badankood ah dhalinyaradii Taliyeyaasha ka eheyd Nabadsugida degmooyinka Muqdihso, kuwaasoo dhawaan lagu biiriyay Ciidanka booliska, waxaana in dib degmooyinkoodii loo soo magacaabo ka shaqeeyay Taliyaha qeybta Guud ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabadsugida gobolka Banaadir, waxaa hada loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir.

Cabdi Fitaax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan, waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeen looga dhigay  Shuceyb Abdi.

Yaasiin Nur Khayre, waxaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka qeybta bartamaha .

Bashiir Cabdi SIyaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga booliska  degmada Hodan.

Najiib Carab, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Boondheere.

Liibaan Shidane, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada Kaaraan.

Xuseen Cadceed oo si KMG-ah u hayay xilka Taliyaha Saldhiga Warta-Nabada tan iyo markii la dilay Taliyihii hore macalin Daahir, ayaa si rasmi ah xilkaasi loogu magacaabay.

Ismaaciil Muuse Yuusuf, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska Dharkiinley.

Axmed Taree, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada Kaxda

Axmed Khadar, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada  Xamar weyne.

Maxamed C/qaadir, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada  Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabar lagu magacaabo Taliso Abtidoon.

Magacaabista Taliyayaashan cusub, ayaa timid saacado kadib weerarkii Shabaab ay ku galeen dhismaha Wasaaraad Shaqada iyo Shaqaalaha Soomalaiya, halkaas oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 15 qof, halka ku dhowaad 20 kale ay ku dhaawacmeen.

IDIL NEWS