Dowladda Federaalka oo lagu wareejiyay Xog ku saabsan Macdanta Soomaaliya (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu Wareejiyay Xog ku saabsan macdanta ku jirta dalka Soomaaliya, taas oo la ururinayay illaa iyo horaantii qarnigii aynu ka soo gudubnay.

Shirkada SKA ayaa ku wareejisay dowlada Soomaaliya Xogtan, iyadoo shirkadana ay xogta ka heshay qubaro British ah oo baarayay sanooyin badan.

Macdanta ku jirta dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah dahabka iyadoo goobaha laga heli karo macaadiintana lagu muujiyay xogta lagu wado in lagu wareejiyo dowlada federalka.

Wasiirka Macdanta iyo Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed, oo ka hadlay Xogtan lagu wareejiyay ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan Xogtan, isla markaasna ay diyaar u yihiin inay siiyaan Ogalaansho Shirkadaha doonaya inay maalgashadaan.

Daawo.

IDIL NEWS