Ra’iisulwasaare Khayre oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xalay hoygiiga ku qaabilay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uga mahad-celiyay soo dhawaynta uu hoygiisa ugu sameeyay,waxaaana uu  bogaadiyay dadaalka ay hoggaanka dalku uu ugu jiro soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ballan qaaday in dhaqanku ay ku garab taagan yihiin dadaalka ballaaran ee ay ugu jiraan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulanka uu boqor Burhaan la qaatay ka sheegay in dhaqanka Soomaaliyeed ay dowr muhiim ah ku leeyihiin horumarinta bulshada, xasiloonida, nabadaynta iyo arrimaha dhab-u-heshiinta, ayna muhiim u tahay umadda Soomaaliyeed in dhaqanku ay xoojiyaan dawrkaas wanaagsan ee laf-dhabarta u ah nolosha ummadda Soomaaliyeed.

IDIL NEWS