Madaxweyne Deni “Waqtigii olalaha wuu dhamaaday, dowladda waa in lala shaqeeyaa” (Daawo)

QARDHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed iyo mid amni ee Degaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horey mahad-celin u jeediyay Maamulka, Waxgaradka iyo Kumanaankii Shacabka ahaa isugu soo baxay soo dhaweyntiisa, isagoona sheegay in taas muujinayso Muhiimada Dadka Reer Puntland u hayaan Hanaanka Dowladnimo ee Dalka.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay xaalada siyasaadeed ee dalka iyo loolankii adkaa ee loo galay Doorashadii 8 Janaayo ee uu isugu ku guuleystay, ayaa sheegay in laga soo gudbay waqtigii Olalaha dalkuna uu yeeshay Xukuumad cusub, isagoona ugu baaqay shacabka inay iska ilaawaan xasaradihii ka dhasay loolankii doorashada, ayna la shaqeeyaan Xukuumadda cusub.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ku nuux-nuuxsaday xaalada amni ee dalka, isagoona sheegay in Cadow badan oo shaatiyo kala duwan sitaa ay kusoo duuleen Degaanada Puntland, waxaana uu ugu baaqay Shacabka inay garab istaagaan Dowladooda si looga adkaado.

Daawo.

IDIL NEWS