Gaalkacyo: Isimada Gobalka Mudug oo War kasoo saaray falalka kufsiga iyo dilalka (Akhriso)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Isimada Gobolka Mudug ayaa go’aan ka soo saaray, dhaqammada xun xun ee ku soo kordhay dalka, gaar ahaanna kufsiga ,dilalka, maandooriyaha iyo is qabqabsiga dhulalka.

Isimmada waxaa ay baaq u direen xukuumadda Puntland iyo shacabka gobolka Mudug, dhaqammada waxaa ay ku sheegeen in looga gudbi karo iyadoo shareecadda islaamka lagu dhaqmo.

“Dadka gobolka Mudug waxa ay ku kala nabadgali karaan ,laguna suulin karaa dhaqammada xun xun iyo dilalka la caadeystay iyadoo shareecadda islaamka lagu dhaqmo… waxaa la qabtay guddi 25 xubnood ah oo soo diyaariya qaabka shareecadda loo fulin lahaa.” Ayaa lagu yiri baaqa ka soo baxay Isimmada.

Akhriso Qoraalka Kasoo baxay Isimada Dhaqanka Gobalka Mudug.

IDIL NEWS