Madaxweyne Deni “Ciqaab ayaan marsiin doonaa kuwa dila Waxgaradkeena” (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay inay Tilaabo adag ka qaadi doonaan dadka ka dambeeyay dilalkii loo geystay dadka waxgalka u ahaa Bulshada Degaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan aheyn inay isha ka daawadaan kuwii ka dambeeyay dilalkii Masuuliyiin ay kamid ahaayeen Suldaan Bashiir Muuse Kowte iyo Madaxii Shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in tilaabo aysan mahdin ay ka qaadi doonaan kuwo ku eedeeysan falalka ammaan darro ee ka dhacay Magaalada Boosaaso, ayna gacan bir ah kusoo celin doonaan amniga Boosaaso oo xudun u ah jiritaanka Dowladnimada Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS