Muqdisho: Wasiir Cawad oo xilkii ka qaaday Agaasime taageeray Israel

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shaqada ka ceyriyay Agaasimihii Xafiiskiisa C/llaahi Axmed Dool, kaasoo qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka ku taageeray xiriir Soomaaliya la yeelato Israa’iil.

C/llaahi Dool ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in diblomaasiyad ahaan aysan wax dhibaato laheyn inay Soomaaliya xiriir diblomaasi la yeelato Israa’iil, waxaana uu sheegay inay danteenu tahay inaan soo dhoweyno.

Sidoo kale waxaa uu ku tilmaamay shacabka reer Falastiin dad khasaaray, isagoo xusay in Ururka Xamaas ay afduubtaan dadkooda ku nool Gaza.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa isna qoraal kooban uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray ku sheegay in qof walba oo aaminsan in Israa’iil uu xiriir dhex maro uusan ka shaqeyn karin dowladda Federaalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Geneva, una qaabilsan Xarunta Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa dhowaan ka aamustay codeyntii go’aankii Buuraha Golan Heights oo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku sheegay inay leedahay Israa’iil.

IDIL NEWS