Wasiirka Maaliyadda Puntland oo gaaray Magaalada Qardho (Daawo)

QARDHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gaaray Degmada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar.

Safarkan Wasiirku ku tegay Magaalada Qardho ayaa ahaa kormeer shaqo oo ku aadan kobcinta takhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Degmada Qardho waxaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo waftiga uu hogaaminaayo ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Con.Agadi ,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda, C/risaaq Cali Cartan,iyo Taliyaha Ciidamada hubinta Sharmaarke wayrax.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka karkaar C/risaaq Cali Cartan ayaa ugu horayan hal kaasi ka hadlay.

“Wasiir adiga iyo waftiga aad hogaaminayso ku soo dhowaada Magaalada Qardho, aad banu ugu farax sanahay imaan shihiina iyo inaynu kulan wada qaadano dhanka shaqada ah”

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa Madaxdii qardho ku soo dhoweeyay uga mahad celiyay Soo dhowayntii ay usameeyeen.

“dhamaan Madaxda Wasaaradda iyo saraakiisha waad ku mahad santihiin sida aad noo soo dhoweeyseen safar kayagu waa kormeer shaqo waana wada kulmi doonaa”

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire inta uu ku sugan yahay Magaalada Qardho waxa uu kulan la qaadan doonaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Golbolka karkaar.

Daawo.

IDIL NEWS