Madaxweyne Farmaajo oo furaya Kalafadhiga 5-aad ee Aqalka Sare

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu maanta furo Kalafadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Soomaaliya.

Furitaanka Kalafadhigan oo lagu waday inuu qabsoomo 16-kii bishii Maarso, ayaa baaqday, Iyadoona Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare ay go’aamiyeen in maanta oo isniin ah kuna began 1 bisha April uu furmo.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho, iyada oo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan furay Kalfadhiga 5-aad ee Xildhibaanada golaha Shacabka,waxaana furitaanka Maanta ee Kulanka Aqalka Sare uu kusoo aadayaa xilli khilaaf uu ka dhex jiro labada Aqal Baarlamaanka.

IDIL NEWS