Senator Iftiin Baasto “Kheyre baa xoog ku furay Kalafadhiga 5-aad ee Aqalka Sare” (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Senator Iftiin Xasan Baasto, oo ka tirsan Aqalka sare ayaa sheegay in Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre uu xoog ku furay Kalafadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Senator Iftiin Baasto ayaa sheegay inay aheyd wax lala cajabo arrinta ka dhacday Furitaanka Kalafadhiga Golaha Aqalka Sare, waxaana uu ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo in uu ka dambeeyay, isagoona ugu baaqay in uu is-casilo.

“Kal-fadhiga Aqalka Sare Ray’iisul wasaare Khayre ayaa xoog ku furay, waxaanan ugu baaqayaa inuu xilka iska casilo Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Senator Iftiin Xasan Baasto.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa maanta xoog ku furay Kalafadhiga 5-aad ee Aqalka sare, kaddib markii uu ku hanjabay inuu ka baxayo Munaasabadda oo lagu casuumay, isagoona sheegay in Madaxweyne Farmaajo u imaan waayay sababo amni.

Daawo.

IDIL NEWS