Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea oo soo gaaray Muqdisho

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kusoo dhaweeyay Muqdisho Wafdiga Wasiir Cismaan Saalax, waana booqashadii labaad ee ku yimaado Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Ujeedada Safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea, Iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in uu kulamo la qaadan doono Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka oo ay ka wada-hadli doonaan xoojinta xiriirka Labada Dal, iyo sidii Eritrea ay door ugu yeelan laheyd wada-hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiirka ayaa dhawaan tagay Magaalada Hargeya ee Caasimadda Somaliland, waxaana uu kulamo la yeeshay Mas’uuliyiinta maamulkaasi.

IDIL NEWS