Abu Dubai: Shir looga hadlayo Maalgashiga Puntland oo la Qabanayo (Daawo)

DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa Sheegay in bilaha soo socda lagu qaban doono Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Shir looga hadlayo Maalgashiga Degaanada Puntland, taas oo ay ku baaqday Dowladdu.

Madaxweyne Deni oo la hadlayay Jaaliyadda Puntland ee Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Shirkan looga hadlayo Maalgashiga Puntland, oo la qaban doono horaanta Bisha 8-aad ee Sanadkan, ay kasoo qeyb-galayaan dhamaan Daneeyayaasha Maalgashida Degaanada Dowladda Puntland, kuwaas oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali.

Waxaa uu xusay in Shirkan ay dhinac socoto Madal lagu soo bandhigayo Kheyraadka laga helo Dhulka Puntland iyo Meelaha ku haboon in la maalgashado.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa Sheegay in Xukuumaddu ay dadaal ugu jirto kor u qaadista Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashada Degaanada Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS