Garoowe: Wasiir Aamino “Odayaasha dhaqanku door kuma yeelan doonaan Cadaalada helida Haweenkii la kufsaday” (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qeyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, ayaa Sheegtay in aysan Odayaasha dhaqanku wax door ah ku yeelan doonin Cadaalad mudashada kuwii ka dambeeyay kufsiyadii ka dhacay Degaanada Dowladda Puntland.

Wasiir Aamino ayaa sheegtay inay Dowladda Puntland tilaabo adag ka qaadeyso kooxaha arxan laa wayaasha ah ee ka dambeeyay kufsi iyo Dilalka ka dhacay Degaanada Puntland.

Waxaa ay sheegtay in aysan jirin cid looga heybaysanayo in looga leexdo in la marsiiyo Cadaalada kuwa Dulmiyay Haweenka, Iyadoona ugu baaqday Shacabka Puntland inay ka war sugaan Laamaha garsoorka iyo Dowladda Puntland oo gacanta kula jira soo afjarida baaritaanka kiisaskii dhacay.

Daawo.

IDIL NEWS