Garoowe: Wasiir Gamacdiid “Puntland waxaa ka bilaabanaya olalaha Guri iyo Geed” (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Waraabka Ismaaciil Diiriye Gamacdiid, ayaa ka hadlay muhiimada ay lee dahay in la beero dhirta, isagoona ugu baaqay Shacabka Puntland inay bilaabaan beerista Geedaha.

Wasiir Gamacdiid oo ka hadlay Xuska ololaha Maalinta Dhir beerista Puntland, oo maanta lagu qabtay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Dhirtu ay faa’idooyin badan u lee yihiin Bulshada, sidoo kalena ay ka qeyb qaadato bilicda Degaanka.

Waxaa uu sheegay in Dhirtu ay tahay Nolasha aadamaha, isagoona xusay in dhirtu ay soo jiidato Roobka, isagoona ugu baaqay Shacabka inay ka qeyb-qaataan Olalaha Guri iyo Geed ee ay dhowaan si wadajir ah u bilaabayaan Wasaaradda Degaanada iyo Dowladaha Hoose ee Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS