Puntland “Uma dul-qaadan doono Kalluumeysiga Sharci-darada ah” (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa digniin adag u dirtay Maraakiibta iyo Doomaha Shisheeye ee sida sharci darada ah uga kalluumeysta Xeebaha Degaanada Dowladda Puntland, Iyadoona sheegtay inay tilaabo adag ka qaadi doonto.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland C/khaaliq Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dhowaanahan ay soo gaarayeen Cabashooyin kasoo gaarayay Kalluumeysatada Reer Puntland ee kunool Degaanada Xeebaha ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland, ayaa sheegay in Puntland ay lee dahay Sharciyo lagu ilaaliyo kalluumeysiga, isagoona sheegay in cid walba oo jabisay Sharuucdaas ama kusoo xad gudubta Biyaha Puntland ay mudan doonto Tilaabo adag.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Puntland ay lee dahay Ciidamo Awwood badan ka howlgala Badda, kuwaas oo ku filan ilaalinta Biyaha Puntland iyo inay gacanta kusoo dhigaan kuwa ku howlan kalluumeysiga sharci darada ah.

Daawo.

IDIL NEWS