Garoowe: Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo u dhoofay Muqdisho (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa maanta u amba-baxay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaas oo ay uga qeyb-galayaan Tababar ku saabsan Xoojinta Shaqada Baarlamaanka.

Guddiga ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale Muqdisho kulan kula yeelan doona Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Iyagoona ka wada-hadli doona Xoojinta xiriirka iyo Wada-shaqeynta Labada Dhinac, sida uu sheegay Xoghayaha Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Puntland.

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ee ka amba baxay Magaalada Garoowe ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Nabad-gelyada iyo amniga Golaha Wakiilada Puntland Gen. Cabdicaziiz Siciid Maxamuud.

Daawo.

IDIL NEWS