Muqdisho: Goormee la dhameystirayaa Dastuurka KMG ah ee DF Soomaaliya ?

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gudoomiyay shir u dhaxeeyay Wasaaradda, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Ujeedada shirka ayaa ahaa dar-dargelinta iyo ka miro-dhalinta geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.

Ugu horeeyn, waxaa shirka furay Wasiir Saalax Jaamac isagoo sheegay inay ka go’antahay la shaqeeynta Gudiyada Qaran ee ay howsha kala dhaxeeyso.

Gudomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo shirka ka hadlay ayaa Wasiirka uga xog-waramay howlihii la soo qabtay, Gudoomiyaha wuxuu xusay heshiiskii dhexmaray Gudiyada iyo Wasaaradda ee lagu wadashqeeynayay sanadkii tagay isagoona sheegay in la raaco heshiiskaas si dhowna loo wadashaqeeyo si looga mira-dhaliyo howlaha dib-u-eegista Dastuurka.

Wasiir Saalax ayaa sheegay in loo baahanyahay in dastuurka lagu dhameesytiro sida ugu dhakhsiyaha badan.

“Waxaa iga go’an in aan si dhow idiin la shaqeeyo oo sida ugu dhakhsiyaha badan ku soo dhameeystirno dastuurka, ogaada dastuurka aan iminka ka shaqeeyneyno waa uu ka durugsanyahay sanadka 2020ka; waa inaa ka dhignaa mid qarniyada soo socda sii jira” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa ku ballamay shir kale oo ay uga arinsanayaan sii ambaqaadidda howlaha dib-u-eegista dastuurka.

IDIL NEWS