Maxamed Nuur oo lagu helay Dilka darajada Sadexaad

Guddi xeer-beegti ah oo todobaadyadi lasoo dhaafay eegayay dacwad dil ah oo lagu soo oogay Maxamed Nuur oo horay uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ku helay laba danbi oo dil ah.

Mid ka mid ah dambiyada lagu helay ayaa ah dilka darajada heerka saddexaad, waxaase lagu waayey dilka darajada heerka labaad, oo ciqaabtiisa ka badnaan lahayd.

Maxamed Nuur ayaa loo haystay dilka gabar caddaan ah oo lagu magacaabay Justine Damond, waxaana xukunkiisa xabsiga la waqtiyeeyey 7-da bisha June ee sanadkan.

Askari Nuur ayaa ku dooday in si kama’ah u riday xabada kadib markii haweenaydan si kadis ah uga soo booday gaarigood.

Xeer beegtada loo saaray kiiskan ayaa sheegay in Askariga si khaldan ku dilay haweenaydaasi, isla markaana laalay dooda Qareenka difaaca, waxaana lagu wadaa in 7da bisha June lagu dhawaaqo sanadaha xabsiga lagu heyn doono askarigan la maxkamadeeyey.