Cilladaha sharciga doorashooyinka ee Golaha xukuumadda Federaalku ansixiyeen Maanta?

Cilladaha sharciga doorashooyinka ee Golaha xukuumadda Federaalku ansixisay:-

  1. Sharcigani wuxuu si cad u jidaynayaa nidaamka qabaliga ah ee awood-qaybsiga (legally binding 4.5 power sharing system) kaas oo kahorjeeda dastuurka Federaalka.
    Eeg Qodobka 12-aad farqadaha 1,2,3.
  2. Wuxuu soo saarayaa xildhibaan aan dadku toos u dooran oo aan metelin degmo, gobol iyo maamul-goboleed midna ee kusoo baxaya waxa loogu yeeray single constituency oo toos uga hor imanaysa nidaamka federaalka ee daadejinta awoodaha.
  3. Wuxuu iridka u furayaa muddo-kororsi xukuumadda joogta marka xilkeedu Dhamaado.
    Eeg Qodobka 54-aad farqadaha 1, 2, 3.
  4. Wuxuu talada dalka gacanta u gelinayaa xisbiyo aan lahayn kalsooni shacab iyo sharciyad dhab ah.
  5. Waxaana maamulaya Guddi Doorasho ku meelgaar ah oo ay mugdi ku jirto sharciyadiisa iyo kalsoonida lagu qabi karo.
    Arrimahan oo dhan waxaa ka dhalan kara khatar sharci iyo mid siyaasadeed labadaba.

WQ.Juxaa.